Dowladda ingriiiska ayaa safiir cusub usoo Magacowday Dalka Soomaaliya kaasi oo badalaya Safiirkii Hore.
Dowladda Britain ayaa Safiirka u fadhin doona Soomaaliya waxa ay u soo magacawday haweeneey lagu Magacaabo Kate Foster, sida lagu sheegay War kasoo baxay dowladda ingiriiska.
Kate Foster ayaa badalaysa Amb, Ben Fender oo muddo sanado ah ka howlgalayay gudaha dalka Soomaaliya.
Dhanka kale dowladda ingiriiska ayaa sheegtay in Bisha Febraayo ee sanadkaan 2021 Amb, Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo diblumaasiyadeed si uu uga Shaqeeyo.

