Akhriso:-Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeyn Lagu Beegsaday Saldhig Shabaab

0

Mareykanka ayaa ka hadlay duqeyn diyaaradihiisa wax duqeeya ay la beegsadeen dhismooyin Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Kunya-barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu beegsaday dhismooyin ay Al-Shabaab ku leedahay deegaanka Kuunyo Barrow.

Mareykanka waxa uu sheegay in qiimeyn la sameeyeey ay muujineyso in duqeymahan lagu dilay saddex ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena lagu dhaawacay.

“Qiimeynta hurdhaca ah ee taliska waxay muujineysaa inaysan jirin cid shacab ah oo lagu dhaawacay ama lagu dilay howlgalkan,duqeymahan waxay si cad u muujinayaan sii socoshada ballan-qaadayad aan u sameyno Soomaaliya iyo saaxiibadeena gobolka,” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgallada AFRICOM Maj. Gen. Joel Tyler.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here