Saacadihii lasoo dhaafay ciidamada maamulka putland ee PSF Loo yaqaan ayaa waxa la sheegay in howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanada buuraleeyda ee puntland
Howlgaladaan ayaa waxa lasheegay in ay ahaayeen kuwa ka dhanka ah kooxda daacish ee ka dagaalanta deegaanada uu ka arimiyo maamulka puntland
war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka puntland laguna dabacay barta facebuuga ee ciidanka PSFta ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada sida gaar ka ah utababaran ee puntland in howlgalo ka dhan ah kooxda daacish in ay ka fuliyeen buuraleeyda cal miskaat ee gobolka bari
dadka degaanka iyo reer guuraaga aaggaas oo ay Daacish cabsi iyo culays ku hayaan ayaa uga mahadceliyey ciidamada PSF hawlgallada Daacish ka dhanka ah ee ay sida joogta ah uga fuliyaan aaggaas si ay dadka degaanku ugu noolaadaan xorriyad amni ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidanka puntland .
sidookale warka kasoo baxay puntland laguma sheegin cid lagu soo qabtay ama lagu dilay howlagadda ka dhacay deegaanada buuraleeyda gobolka bari
ciidanka punland ayaa dhowr jeer sidaan oo kale howlgalo uga fuliyay deegaanada buuraleyda ah
waxaana xusid mudan in qaar kood ay guulo ka sheegteen

