wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in weerar xoogan uu xalay ka dhacay deegaano ka tirsan degmada afgooye ee gobolka shabeelah hoose
weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uuahaa mid udhexeeyay ciidamo ka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabab
waxaana wararku ay sheegayaan in uu yimid kadib xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerarku qaadeen ciidamada dowladda oo ku sugnaa deegaan duleedka ka ah degmada afgooye
iyadoona lasoo sheegayo in dagaalkaan uu muddo saacado ah socday islamarkaasna ay ka dhasheen qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
dadka deegaanka waxa ay kusoo waramayaan in ay maqlayeen jugta iyo rasaasta dagaalka balse aysan xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi
weerarkaan ayaa markiisii hore waxa la sheegay in uu ka bilowday deegaanka mukayga oo hoosta degmada afgooye
waxaana la sheegay in weerarku uu xoogeystay islamarkaasna kontaroolada gudaha degmada afgooye laga maqlayay rasaasta dagaalka ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha al-shabaab
xaalada degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay degantahay islamarkaasna ay howlgalo xoogan kawadaan ciidamada dowladda
inta badan deegaanada dhaca gobolka shabeelagha hoose ayaa waxa ka dhaca dagaalo udhexeya ciidanka dowladda iyo al-shabaab kuwaas oo labada dhinac ay guulo ka kala sheegtaan.

