Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Hubeysan Oo Weerar Geeystay

0
askarigan ma ahan midka geystay dilka gudoomiyihii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha degmada Xamar Jajab

wararka laga helay  suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamoka tirsan dowladda ay dileen nin hubeysan oo weeraray ciidanka dowladda

ninka la dilay ayaa waxa la sheegay bin xalay fiidkii uu bamba gacmeed ku  weeraray fariisimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen isgooyska howlwadaag ee gobolkaan banaadir

wararka ayaana ku waramaya in ninkaan la dilay oo doonayay in uu baxsado ay toogteen ciidamo dharcad ah oo ku sugnaa isgooska howlgadaag,waxaana lagu soo waramayaan in weerarkaan uu dhaliayay qasaaro kala duwan

dad goobjoogoyaal ah ayaa simba u sheegay in ay maqlayeen rasaasta ciidamada dowladda ay fureen balse aysan xaqiijin qasaaraha ka dhashay

intaasi ciidamada dowladda ee ku sugnaa isgooska howlwadaag iyo ciidamo ka tirsan dowladda  ayaa waxa lasheegay in ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay waxaana ay meesha ka qaadeen meeydka ninka la toogtay oo aan ilaa iyo hada si dhab ah loo xaqiijin wax uu ahaa

ciidamada dowladda ayaa sidaan oo kale horay utoogtay rag hubeysan oo lasheegay in ay weerareen saldhigyada ciidanka dowladda

inta badana degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxa ka dhaca weeraro ceynkaani oo kale ah

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here