Duqeyn Ka Dhacday Shabeellaha Hoose Oo Lagu Beegsaday Xarunta Idaacada al-shabaab Ee Andulus

0

wararka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in diyaaradaha dagaal ee nuuca aan duuliyaha laheyn ay duqeeyeen xarunta  idaacada ku hadasha afka al-shabaab ee al andulus  oo ku taalay deegaan ka tirsan gobolka shabeelaha hoose

waxaana la sheegay in dhowr gantaal diyaaraduhu ay ku dhifteen xarunta idaacada al andulus ay ku laheeyed deehaanka kuunya barrow ee gobolka shabeellaha hoose

wararka ayaana sjheegaya in duqeymahaasi lala beegsaday andulus ay ka dhasheen qasaare kala duwan

Al-shabaab wararka ay barahooda interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen in diyaaraddo nuuca aan duuliyaha laheyn ay duqqeyeen idaaacada andulus xarunteeda  deegaanka kuunya barrow islamarkaasna ay ku dhifteen afargaan taal

Al-shabaab ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo ku sugaanka deegaanka kuunya barrow

sidookale waxa la sheegay in bur bur uusoo gaaray qalabka iyo xarunta idaacada al-andulus ee deegaanka kuunya barrow oo diaarado ay duqeeyeen

lama oga ilaa iyo hada dowladda iska kaleh diyaaradaha duqeynta labeegsaday idaacada al-shabaab balse waxaana la aaminsanyahay in mareeykanku uu leeyahay kaasi oo inta badan diyaaradihiisa aan duuliyaha laheyn ay duqeymo ka fuliyaan deegaanada dhaca koonfurta soomaaliya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here