Wajiga Labaad Ee Shirka Aragti Wadaaga Oo Maanta Ka Furmay Garoowe

0

waxa magaalada garoowe  maanta ka furmay wajiga labaad ee shirka hiritage oo maantii shalay aheyd si ramsi ah kaga furmay garoowe

shirkaan wajigiisa labaad manta uu furmay waxa ka qeyb galaya masuuliyiin ka tirsan dowladda madaxweynayaashii hore ee dalka iyo xubnha midowga musharaxiinta gudoonka labada aqal ee barlamaanka iyo masuuliyiin kale shirka lagu marti qaaday.

waxaana xusid mudan in shirkaan ay qubado kala duwan ka jeediyeen masuuliyiin iskugu jirta muxaafid iyo mucaarad iyadoo kuwa kale la filayo in iyaguna maanta ay fursad helaan islamarkaasna ay shirka qudbado ka jeediyaan

shalay shirka marka uu furmay  ilaa xalay waxa qudbado ka jeediayay masuuliyiin ay ka midyihiin madaxweynihii hore dalka xasan sheikh maxamuud Madaxweynayaasha dowlad goboleedeyada puntland , galmudug iyo jubbaland iyo masuuliyiin kale oo uu ku jiro gudooyaha golaha sghacabka maxamed mursal sheikh cabdiraxmaan.

Waxaana shirkaan looga hadlayaa arimo ku saabsan xaalada dalka gaar ahaana dhinacyada amniga iyo hormarinta dalka iyo arimo kusaabsan xaalada kala guur ka ah ee uu dalku galay

Waxaana si gaar ah diirada loogu saarayaa doorashada dalka ka dhaceysa horaanta sanada 2021 oo bari noo dhalan doonta.

Marka laga soot ago qudbadaha musharaxiinta waxa jira kumo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan masuuliyiinta kala gadisan ee shirka ka qeyb galaysa  oo  intooda  badan kala aragti duwan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here