Wiil Dhalinyaro soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in xalay lagu dilay gudaha magaalada Minneapolis ee dalka mareeykanka
Ciidanka booliiska magaaladda minneapolis ee dalka mareekanka ayaa la sheegay in ay toogteen wiil soomaaliyeed oo ku sugnaa ay iska jaraan labadda wado ee Cedar iyo 36
waxaana wararku ay sheegayaan in xiliga wiilka soomaaliga ah la dilay ay saacadu ahayd 6:15 habeenimo islamarkkaasna uu wiilku ahaa mid ku dhexjiray gaari uu watay
ciidanka booliska ayaa lasheegay in ay ku andacoonayaan in wiilku uu xabada bilaabay iyaguna ay todobo xabadood ku rideen kuwaasi oo la xaqiijin in ay kuwada dheceen wiilka soomaaliyeed
taliska ciidanka booliska mareykanka gaar ahaana magaalada minneapolis ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonan vidiyowga cadeynaya sida ay wax u dheceen
dad farabadan oo iskugu jira dad cadaan ah iyo kuwa soomaali ah ay isku soo bax kasameeyay magaalada minneapolis
iskusoo baxyadaasi oo looga soo horjeeday booliska magaalada waxaana dadku ay ku dhawaaqayeen erayo lagu aflagaadeeybnayay ciidanka booliska ,waxaana dadka kamuuqatay caro fara badan

