warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo la sheegay in uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobollada bay iyo bakool ee koonfuta soomaaliya
dagaalka ayaa lasheegay in uu yimid ka kadib markii lasheegay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada ethoobiya ay ku lahaayeen inta u dhexeysa ceel barde iyo degmada diinsoor oo kawada tirsan goboladda bay iyo bakool
waxaana lagu soo waramayaa in dagaalkaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Dagaalamayaasha al-shabaab ayaa guulo ka sheegay dagaalo saacado qaaday oo ka dhaccay deegaanada dhaca bay iyo bakool
waxaana Al-Shabaab ay sheegteen in dagaal ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka xudur iyo ceelbarde ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo
waxaana ay sheegeen in weerarka ay ku dileen sarkaal lagu magacaabo yuusuf caliyeey iyo laba askari oo kale
dhankale Al-shabaab ayaa wararka ay barahooda interneetka ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in weerar culus ay ka fuliyeen gudaha degmada diinsoor ee gobolka bay islamarkaasna ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo garabsiinayay ciidanka ethoobiya
war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka Diinsoor lagu dilay 4 Askari oo uu ku jiro sarkaal Taliye hurin ah oo caan ka ahaa gobolka Baay.
majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka koonfur galbeed oo looga hadlayo weerarada al-shabaab ay sheegteen in ay ka fuliyeen deegaanada koonfur galbeed iyo Sheegashada al-shabaab ee dilka askarta iyo saraakiisha

