Muddo Xileedka Labada Aqal Ee Barlamaanka Dalka Oo Maantay Ku Eg

0

waxa maanta dhamaaday muddo xileedka xildhibaanada labada aqalka ee barlamaanka jamhuuriyada faderaalka somaaliya kuwaasi oo la doortay  27-12-2016

muddo afar sano ah oo  xilkaan ay soo hayeen xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa maanta ku eg

waxaana jirta dhaliil iyo sidookale amaan loojeediyay xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka kuwaas oo waqtigoodu dhamaaday

waxyabaaha lagu amaanyo xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka jamhuryda muddadii ay xilka hayeen waxa  ka mid ah in ay ansixiyeen shaciyo badan oo dalka muhiim u ah

sidookale waxyaabaha lagu dhaliilayo waxa ka mid ah in aan la qaban shaqooyin badan oo hor tabin lahaa kuwaasi oo ay kamid yihiin in aan  la dhameystirin dartuurka qabyiqooralka ah ee dalka u yaalay in aan la gaarin hadafkii aahaa in dalka ay ka dhacado doorasho hal qof iyo hal  cod ah

waxa kaloo xusid mudan in xildhibaanada qaar ay eedaymo usoo jeedeiyeen dadkii ay  matalayeen oo sheegay in aysan waxaba u qan  oo  danohooda gaarka ah ay ka fiirsadeen

dalku haatan waxa uu ku jira xaalad kala guur ah oo waxa la sugayaa doorashada dalka ka dhaceysa

waxaana wali uu muran xoogan ka taaganyahay sida ay noqoneyso doorashada dalka ka dhaceysa oo cabasho laga muujiyay

muranka  doorashada ayaa salka ku haya guddiga doorashada ee dowladdu u magacowday in dalka ay  ka qabtaan doorasho guddigaas oo lagu eedeeyay in ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda iyo hay,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee nisa

xaalado siyaaasadeed oo iskasoo horjeeda ayaa dalka jira taasi oo udhaxeysa madaxda dowladda haatan heysa talada iyo murashaxiinta xildoonka ah oo walaac ka qaba doorashada dalka in ay ka dhacdo la filayo horaanta sanada 2021

waxaan sidookale jirta in xildhibaanada waqtigoodu dhamaaday qaar kood ay dhaliilayaan in dalka ay ka dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah

xildhibaanada barlamaanka ee labada aqal ee maanta  waqtgoodu dhaamaday ayaa waxa ay ahaayeen barlamaankii 10 aad oo muddo xileedkoodu uu u bilowday maanta  oo kale  27-12-2016

waxaana xusid in mudda xileedka madaxweynaha jamhuriyada faderaalka soomaliya maxamed cabdulahi farmaajo ay ka hartay 40 cisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here