wararka ka imaanaya Gobolka gedo ayaa waxa ay kusoo waramayaan in al-shabaab ay goob fagaare ah oo ku taal deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ay ku toogteen nin la sheegay in uu sameeyay fal diinta looga baxo.
Al-Shabaab wararka ay barhooda in terneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen in Max’med Sidiiq Xuseen uu ahaa Saaxir dhibaato ku hayay bulshada islamarkaasna lagu fuliyay xukun ay ku ridday maxkamadda ee gobolka Gedo.
Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ayaa waxa lasheegay in goobta uu dilku ka dhacayay ka akhriyay xukunka Saaxirka iyo dambiyadii uu ninkan saaxirka ah ku dhibaataynayay muslimiinta.
warkasoo baxay al-shabaab ayaana lagu sheegay Max’med Sidiiq uu qirtay dambiyada lagu soo eedeeyay islamarkaasna uu sheegay in muddo sanada ah uu ku shaqeysanayay Sixirka,
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore u toogtay dad ay xukuno kala duwan ay ku rideen maxkamadahooda
dadkaasi oo inta badan lagu eedeeyo in ay sameeyaan fallal la xariira basaasnimo iyo in ay yihiin saaxiriin

