FaahFaahino:- Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Dableey hubeysan Ayaa Xalay Wiil Dhalinyaro ah ku dilay xaafad ka tirsan degmada dherkeenley ee gobolkaani banaadir

wiilka la dilay ayaa waxa magaciisa  dad goobjoogayaal ah  ay ku sheegeen cabdi ganeey

waxaana dilka wiilkaan dhalinyarada ah uu ka dhacay xaafada nasteexo ee dagmada dharkeenleey

wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dableey hubeysan oo doonayay in dhac ay ugeeystaan wiilka la dilay uu muran soo kala dhexgalay taasi oo keentay in rasaas lagu furo wiilkani dhalinyarada ahaa

waxaana lagu soo waramayaa in wiilka marka hore laga furtay mobilkiisa iyo waxyabo kale oo uu sitay balse ma dambe ay murmeen islamarkaasna sidaasi lagu dilay wiilka dhalinyarada ah

durbadiiba waxa la sheegay in goobta uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasi oo baaritaano ka bilaabay halka uu dilku ka dhacay baaritaanadaasi oo ay ku baadi goobayaan dableeydii ka dambeeysay dilka wiilka dhalinyarada ahaa

inta badan degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxa ka dhacay xiulyada habeenkii ah dilal ay geeystaan rag hubeysan oo doonayaa in ay dhac ugeeystaan shacabka

Degmada dharkeenleey ayaana dhowr jeer ay falal nuucaani oo kala ay ka dhaceen waxaana maamulka degmadu uu sheegay in ay wax ka qabanayaan raga hubeysan  ee dhaca ka geeysanya dagmada islamarkaasna aysan aqbali doonin

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here