Dableey hubeysan Ayaa Xalay Wiil Dhalinyaro ah ku dilay xaafad ka tirsan degmada dherkeenley ee gobolkaani banaadir
wiilka la dilay ayaa waxa magaciisa dad goobjoogayaal ah ay ku sheegeen cabdi ganeey
waxaana dilka wiilkaan dhalinyarada ah uu ka dhacay xaafada nasteexo ee dagmada dharkeenleey
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dableey hubeysan oo doonayay in dhac ay ugeeystaan wiilka la dilay uu muran soo kala dhexgalay taasi oo keentay in rasaas lagu furo wiilkani dhalinyarada ahaa
waxaana lagu soo waramayaa in wiilka marka hore laga furtay mobilkiisa iyo waxyabo kale oo uu sitay balse ma dambe ay murmeen islamarkaasna sidaasi lagu dilay wiilka dhalinyarada ah
durbadiiba waxa la sheegay in goobta uu dilku ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasi oo baaritaano ka bilaabay halka uu dilku ka dhacay baaritaanadaasi oo ay ku baadi goobayaan dableeydii ka dambeeysay dilka wiilka dhalinyarada ahaa
inta badan degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxa ka dhacay xiulyada habeenkii ah dilal ay geeystaan rag hubeysan oo doonayaa in ay dhac ugeeystaan shacabka
Degmada dharkeenleey ayaana dhowr jeer ay falal nuucaani oo kala ay ka dhaceen waxaana maamulka degmadu uu sheegay in ay wax ka qabanayaan raga hubeysan ee dhaca ka geeysanya dagmada islamarkaasna aysan aqbali doonin

