wafdi balaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka soomaaliland ayaa maanta safar shaqo u ambaxay dalka jabuuti
masuuliyiinta madaxweynaha soomaaliland safarkaan ku wehlinaya waxa la sheegay in uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada maamulka soomaaliland yaasiin xaaji fartoon in masuuliyiin kale
ujeedka safarka madaxweynaha soomaaliland muuse biixi cabdi ayaa waxa lasheegay in uu daaran yahay casuumad rasimi ah madaxweynaha soomaaliland uu ka helay madaxweynaha dalka jabuuti ismaciil cumar geele
waxaana sidookale la sheegay in marka madaxweynaha soomaaliland uu halkaasi uu tago uu kulamo la qaadan doono madaxwenaha dalka jabuuti iyo masuuliyiin kale oo ku sugan dalkaasi jabuuti
waybaaha ugu mihiimsan ee kulanka madaxweynaha soomaaliland uu la yeelanayo madaxweynaha dalka jabuuti ayaa sidookale waxa la sheegay in uu ka midyahay sidii loo sii xoojin laha xiriirka soomaaliland iyo jabuuti

