Xasan Shiikh:-“Kenya iyo anaga dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayaa isku xiran”,

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka Dowladda Soomaaliya Xiriirka ugu Jartay Kenya.

Xasan Shiikh ayaa sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabada ay qaaday Dowladda Kenya ee ku wajahan Somaliland, balse dowladda Soomaaliya ay ku qaldaneed inay xiriirka u jarto dowladda Kenya, oo uu sheegay inay deris muhiim ah u tahay Soomaaliya.

Waxa Sheegay in Soomaaliya iyo Kenya  ay yihiin  Labo dal, oo daris ah loona baahan yahay in dal walba uu xadgudub sameynin.

“Waxaa inaan fahano u baahan anagu ma aanaa dooran inaan deris la noqono Kenya, iyaguna ma dooran inay nala dersaan, balse maanta laba arrin ayaa noo furan anaga iyo Kenya, inaan cadaawad iyo lugooyo iskula noolaano oo taasi siyaasad noo ahaato iyo inaan kuwada noolaano nabad, deris wanaag iyo iskaashi, taas dambe ayaana door bidayaa anigu,Kenya iyo anaga dhaqaaleheena iyo ammaankeena ayaa isku xiran, hal milyan oo qof dad Soomaaliyeed oo ka badan ayaa magan-geliyo u jooga, kumanaan kale oo Soomaali ahna ganacsi ayey u joogaan magaalo kasta oo dalka Kenya ka tirsan, marka anagoo sidaas ugu dhex nool, waxaan cilaaqaad fiican aheyn nagama mudna Kenya.” ,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here