Dowladda Oo Ciidamo Geesay Xaafad Ka tirsan Muqdisho Oo Lagu Dagaalamay

0

Ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda islamarkaasna iskugu, booliis,milatari iyo nabad sugid ayaa waxa la sheegay xalay in dowladdu ay geeysay xaafad ka tirsan degmada kaaraan halkaasi oo shalay uu dagaal oo xagan oo qasare geeystay uu ka dhacay

ciidamadaan  ayaa waxa lasheegay in ay kala dhexgalayaan ciidamo kawada  tirsan dowladda oo dagaal ku dhexmaray degamada kaaraan

waxaana lasheeay in dagaalkaan uu yimid kadib markii laisku qabsaday dhul kaawo laga qodayay oo kuyaal degmada kaaraan islaamarkaasna ay halkaasi dagaal xoogan uu ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda

ciidamo badan oo ka tirsan dowaladda oo xalay dowladdu geesay halkii lagu dagaalamay ayaa waxa lasheegay in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay xalay ilaa saakay ay kawada xaafadaha degmada kaaraan ee gobolka banaadir

wararka ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada dagaalamay ay kala wateen saraaakill wada tirsan ciidanka dowladda islamarkaasna ay dhulkaasi isku qabsadeen taasi oo keentay in ay dagaalamaan

waxaana dagaalkii shalay la sheegay inay ku dhinteen ku dhawaad 8 ruux halka tira intaas ka badana ay ku dhaawacmeen

wararka qaar ayaa waxa ay tilmaamayaan in dagaalkii shalay uu u dhexeyay ciidamo qaab beeleed u abaabulan iyadoona ay la sheegay in xalay ay dowladdu ay ciidamo kala dhexgala ay u dirtay

inta badan dagaalada la xariira in is qabqabsiga dhulalka ayaa waxa ay mar marka qaar ka dhacaan qaar ka mid degmooyinka gobolka bnaadir

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here