Dowladda Oo Sheegtay in Howlgalo Ka Dhacay Sh/Hoose Lagu Soo Qaabtay Horjoogayaal Al-Shabaab Ah

0

ciidanka kumaandooska ah ee Danab ayaa waxa la sheegay in howlgalo balaaran ay sameeyeen deegaano dhowr oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose islamarkaasna ay howlgaladaasi ku soo qabteen xubno ka tirsan gaalamayaasha al-shabab

warbaahinta dowladda ayaa waxa ay sheeegtay in ciidanka danab howlagadii ay ka fulieen shabeela hoose ay gacanta kusoo dhigeen labo horjooge oo sida la sheegay ka tirsanaa  Al-shabaab

Ciidanka sida gaarka ah utabbaran ee Kumaandooska Danab ayaa dowladdu waxa ay sheegtay in ay nolosha kusoo qabteen Labo horjooge oo dagaalamayaasha Alshabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha

waxaana dowladu ay soo bandhigtay  magacyada labada horjooge ee lasoo qabtay kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay  horjooge Siidow Mayow Xaaji iyo horjooge isaxaq.

Howlgalkaan ayaa waxa la sheegay in ciidanka dowladdu ay sigaar ah kaga sameeyey deegaanada Galhareeri, Cumar Beere, Maguurto Baalgure iyo Bullow oo ka wada tirsan gobolka Shabeelada Hoose.

ciidamada dowladda ayaa mudooyinkii dambe howlgalo ka waday deegaano badan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoosehowlagalaasi oo dowladdu inta badan guulo ka sheegatay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here