waxa saacadiihii lasoo dhaafay xeebaha biyaha soomaaliya soo gaaray markab nuuca dagaalka ah oo ay leedahay dowladda mareeykanmka Markabkaasi Oo Lagu magacaabo USS Hershel Woody
waxaana warrarku ay sheegayaan in markabkaani uu uyimid sidii ciidamada mareeykanka iyo shaqaalihiisa ku sugan gudaha soomaaliya uu u qaadilahaa.
ciidamada dowladda mareeynka ayaa soomaaliaya ujoogay taageerada dowlada soomaaliya ee la dagaalanka dagaalamayaasha al-shabaab iyo dhisida iyo tabatabada ciidamada dowladda soomaliya..
mareykanka ayaa ciidamo tira ahaan gaaraya ilaa iyo 700 askari ay kaga sugantahay guadaha soomaliya waxaana uu ka midyahay wadamo badan oo ciidamdoodu ay ku suganyihiin soomaaliya.
waaxda difaaca ciidamada mareykamka ayaa horay u shaaciyay in ciidamada mareykanka ee ku sugan soomaaliya ay lasoo baxayaan kadib amarkasoo baxay madaxweynaha waqtigiisu dhacay ee mareykanka donal trump uu sheegay in ciidamadiisa laga soo saaro gudaha soomaaliya inta uu san xilka wareejin horaanta sanada 2021
ugu dambeeynti mareynka ayaa lagu wadaa in ciidamadiisa iyo shaqaalihiisa uu 24 saacadood gudohood uu uga labo soomaaliya iyadoo ay xusid mudan tahay in walaac xoogan laga muujiyay bixitaanka ciidamada mareeykanka ee gudaha soomaaliya

