Madaxweyne Farmaajo Iyo Wadfi Uu Hogaaminayo Oo Maanta U Ambabaxaya Dalka Jabuuti

0

Madaxweynaha jamhuriyada faderaalka somaliya maxamed cabdulahi farmajo iyo wafdi balaan oo uu hogaaminayo ayaa lagu wada in saacadaha soo socda in ay u ambabaxaan dalka jabuuti .

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa dalka Jabuuti utagaya ka Qeyb galaya shir madaxeedka ururka goboleedka IGAD kaasi oo looga hadlayo xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo wali uu dagaal u dhexeeya xoogaga TPLF iyo dowlada faderaalka itoobiya uu socdo dagaalkaasi oo yimid kadib ka hor yimaadeen siyaasada dowlada Itoobiya walow dowladda ithoobiya ay ka xoogroonaatay xoogaga TPLF hada wali dagaalku wali joogsan si rasmi ah ujoogsan.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxa lagu wadaa in looga Hadlo dacwad ay dowlada Soomaaliya ka gudbisay Kenya, oo ay ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in dacwadaasi ay Dowladda Federaalka somaliya gudbisay maalmo ka hor inta aysan xiriirka u jarin dowlada Kenya.

Dhankeeda dowladda dalka keenya ayaa la filayaa in ay soomaaliya ku dacweyso falkii ay xiirirrka ugu jartay madaama ay yihiin laba dal oo walal ah islamrkaasna wax badan ay ka dhexeeyaan
waxaana keenya ay arinka dowladda faderaalka soomaaliya ay xiiriirka ugu jartay keenya ay ku tilmaantay mid lagu deg deg islamarkaasna iyadu aysan ku dayan doonin

Dhankale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jabuuti uu wadoqorshe uu isugu keenayo Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo khilaaf xoogan uu haatan ka dhexeeyo.

Dowladda soomaaliya ayaa gabi ahaanba xiriirka ujartay dowlada keenya oo ay ku eedeysay in ay soo fara galisay arimo badan oo kusaabsan gudaha soomaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here