Akhriso:-Saraakiil iyo Gudoomiye Hore oo Ku Dhintay Qaraxa Gaalkacyo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in qaraxii galabta ka dhacay magaaladaas ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsanaa Taliska 21-aad ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha DANAB ee Galmudug iyo Duqii hore ee Degmadda Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Xubnaha qaraxa ku dhintay waxaa kamid ahaa  Generaal Qooje dagaari, Taliye Muqtaar Taliyaha Danab ee Deeganadda Maamulka Galmudug, Taliye Ku-xigeenka Danab, iyo Duqii Hore ee Degmadda Gaalkacyo Maxamed Yaasiin Tumey.

Qaraxaan oo la sheegay in uu fuliyay nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay Garoonka C/laahi Ciise ee Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo.

Qofka is qarxiyay ayaa beegsaday saraakiil ciidan iyo ilaalada Ra’iisul Wasaaraha oo hordhac ahaa, kuwaasoo ka qeyb qaadanayay sugida amniga wafdiga Ra’iisul Wasaaraha.

Sida naloo xaqiijiyay qaraxa ayaa dhacay xili uu Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble u ku sugnaa Garoonka oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here