Uganda oo Taliye Cusub u Soo Magacawday Ciidankeeda Jooga Soomaaliya

0

Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u soo magacawday ciidankeeda jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Brig. Nabasa wuxuu si rasmi ah xilka ula wareegay taliye waaxeed khamiistii hawlgal uu hogaaminayay Lt Gen. Peter Elwelu, Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Ciidamada Difaaca Dadwaynaha Uganda (UPDF).

Elwelu oo ka hadlay munaasabada ayaa ku amaanay taliyaha xilka ka sii dagaya iyo sida howlkarnimada leh ee ay u guteen shaqadooda iyo joogitaanka howlgalka, gaar ahaan caqabadaha iyo carqaladeynta ay keeneen cudurka caalamiga ah ee COVID-19.

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo Gen. Otto sida wanaagsan ee uu ugu soo dhammaaday waajibaadkiisii ​​shaqo. Ma aheyn safar sahlan-safar dhib badan lahaa, gaar ahaan markii cudurkan faafa (Covid-19) uu ciyaaray laakiin waxaad ku guuleysatay inaad howsha sii wadato, ”Elwelu ayaa sidaas yidhi.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee Ciidamada AMISOM, waxaana ay ka howlgalaan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Taliska ugu weyn ee Xalane.

Ciidamada Uganda ayaa ah Ciidamada ilaalada ka haya Madaxda ugu sareysa dalka, sida Xafiiska Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xarumaha kala duwan sida Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho.

AMISOM waxay leedahay lix waaxood guud ahaan Soomaaliya. Shanta waaxood ee kale waxaa ka hawlgala ciidamo ka socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, iyo Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here