Xundubey;-“Dad Wax Ma Garato ah oo Qoryo Wata ayaa La Soo Abaabulay”,+Dhageyso

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dad wax magarato ah ay ka dambeeyeen banaanbaxyadii shalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in wasaarada Amniga aan lagu soo wargalin banaanbaxa.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka banaanbaxa dhigayay ay wajiyadda soo xirteen,islarmarkaana ay ku hubeysnaayeen qoryo sida lamid ah Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in qorshaha banaanbaxa uu ahaa in  la qalqalgaliyo amniga Magaaladda muqdisho.

“Wixii dhacay waxay ahaayeen falal amniga looga horjeedo oo wax-ma-garad la soo abaabulay oo iyagoo weliba qoryo wata jidadka lasoo tubay, taa macnaheedu waxa waaye in Ammaanka lagu soo duulay iyo in colaad la buray, in shaqadii Amniga la dhantaalay, wax alla wixii ka dhacay oo dhaawac iyo dhimasho leh waxaa mas’uuliyadeeda iska leh oo arrintaas dusha saaranaya dadka soo abaabulay oo laftoody ah kuwo garaadkoodu liito” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here