Askar Ka Tirsanaa Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Oo Maanta Lagu Laayay Degmada Walaweyne

0

wararka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka koofur galbeed maanta lagu dilay degmada walaweyn ee gobolka gobolka shabeelaha hoose.

dilka askarta ciidamadaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar xoogan ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada daraawiishta maamulka koonfur galbeed ay ku lahaayeen degmada walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose.

waxaana lagu soo waramayaa in qsaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarkan kuwaas oo lagu dilay askar badan oo ka tirsanaa ciidamada koonfur galbeed

ilaa iyo afar askari oo ka tirsan ciidamada maamulka koonfur galbeed ayaa sida la sheegay lagu dilay weerarka maanta ka dhacay degmada walweyne .

warar ayaa tilmaamaya in xiisada dagaal wali laga dareemayo deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose
waxaana la sheegay in maleeshiyada uu hogaaminayay nin ka careysnaa badal la lagu sameeyanayay

majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka koonfur galbeed oo looga hadlayo weerar lagu dilay ciidamada darawiishta koonfur galbeed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here