Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Ethopia ay ku lahaayeen Deegaanka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab oo aad u hubeysnaa ayaa weerar ku ekeysiiyay Saldhiga Ciidamadda Ethopia ee gobolka Gedo.
Dagaal culus ayaa labada dhinac ku dhaxmaray saldhigga oo kuyaal hareeraha Buundada degmada, markii uu dagaalku cuslaaday ayay ciidamada Ethopia soo kiciyeen qaar kamid ah gaadiidkooda gaashaaman ee gudaha saldhigga yiillay.
Sida lagu daabacay warbaahinta Shabaab, waxaa weerarka lagu dilay 6-askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Ethopia.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Ethopia iyo midka AMISOM oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Deegaanka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.
Dagaalyahanadda Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Saldhigyadda Ciidamadda AMISOM ee ku yaala Koonfurta dalka Soomaaliya.

