Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuuliyada Weerar Lagu Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Ku sugnaa Warta Nabada

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa  dhabarka u riteen weerar xalay ka dhacay xafaad ka tirsan degmaada warata nabada ee gobolkaan banaadir,

weerarkaan oo ahaa mid qasaara kala duwan dhaliyay ayaa waxa la sheegay in lagu qaaday waaxda barwaaqo ee degmada warta nabada halkaa si oo saldhig ay kulahayeen ciidanka dowladda

waxaana xaafado u dhaw halka weerarkaan uu dhacay laga maqlayay jug culus iyo rasaas ay is weydaarsadeen ciidanka dowladda iyo kooxdii weerarka kusoo qaaday.

warar al-shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku shegeen in dagaalamayaal ka tirsan ay qaadeen weerarkii xalay ka dhacay degmada warta nabada   walow aysan al shabaab faahfaahin ka bixin qsaaraha ay sheegteen in ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda

majirto wax oo kasoo baxay maamulka degmada warta nabada oo looga hadlayo werarkan kaasi oo ay sheegteen dagaalamayaasha al-shabaab.

magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa kusoo badanaya weerara ay fulinayaan kooxaha hubeysan xalay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan booliska somaliya la sheegay in sidaan ookale lagu weeraray sal ay ku lahaayeen degmada kaaraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here