Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa dhabarka u riteen weerar xalay ka dhacay xafaad ka tirsan degmaada warata nabada ee gobolkaan banaadir,
weerarkaan oo ahaa mid qasaara kala duwan dhaliyay ayaa waxa la sheegay in lagu qaaday waaxda barwaaqo ee degmada warta nabada halkaa si oo saldhig ay kulahayeen ciidanka dowladda
waxaana xaafado u dhaw halka weerarkaan uu dhacay laga maqlayay jug culus iyo rasaas ay is weydaarsadeen ciidanka dowladda iyo kooxdii weerarka kusoo qaaday.
warar al-shabaab ay ku baahiyaan barahooda interneetka waxa ay ku shegeen in dagaalamayaal ka tirsan ay qaadeen weerarkii xalay ka dhacay degmada warta nabada walow aysan al shabaab faahfaahin ka bixin qsaaraha ay sheegteen in ay gaarsiiyeen ciidamada dowladda
majirto wax oo kasoo baxay maamulka degmada warta nabada oo looga hadlayo werarkan kaasi oo ay sheegteen dagaalamayaasha al-shabaab.
magaalada muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxa kusoo badanaya weerara ay fulinayaan kooxaha hubeysan xalay ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan booliska somaliya la sheegay in sidaan ookale lagu weeraray sal ay ku lahaayeen degmada kaaraan.

