Maleeshiyaad Hubeysan Oo Dad Shacab ah Ku Rasaaseeyay Duleedka Deegaanka Xananbuure

0

wararka ka imaanayaan deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah maleeshiyaad hubeysan ay ku rasaaseeyeen duleedka deegaanka xanan buure ee gobolka galgaduud

waxaana la sheegay in gaariga ay wateen dadka shacabka ah ee rasaasta lagu furay uu kusijeeday degmada caabudwaaaq e ila gobolka galgaduud balse la sheegay in gaariga oo maraya meel duleedka kaga beegan xanan buure ay rasas ooda kaga rogeen maleeshiyaad hubeysan

warar madaxnanan ayaana sheegay in weerarkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasii oo soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee saarnaa gaariga la rasaaseeyay

ilo deegaanka ah ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro weerar lagu qaaday gaari ay wateen dad shacab ah oo an waxba galabsan balse aysan xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaani

majirto waxa war kasoo baxay maamulka gobolka galgaduud oo looga hadlay weerarkaan la sheegay in lagu qaaday gaari dad shacab ah saarnaayeen

in badan deegaanada gobolka galgaduud waxa kusoo laablaabanayay in mudooyinkii dambe weeraro ay geeysanayaan maleeshiyaad hubeysan oo aan la garanayn habeytooda

waxaana weerarkaan uu kusoo aadayaa xili maanta la aasayo 7 saraakaal oo ka tirsanaa ciidanka dowladda kuwaasi oo lagu laayay inta udhexeeysa balanbale iyo guraceel oo dhamaantood kawada tirsan gobolka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here