DEG DEG Nin hubeeysan Oo Qof Shacab ah Saakay Ku Dilay Deegaanka Godinlabe Ee Gobolka Galgaduud

0

wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka galgaduud ayaa waxa ay kusoo waramayaan nin hubeysan uu dilay nin kale oo ganacsata ah oo ku sugnaa deegaanka godinlabe kaasi oo si aad ah looga yaqaanay deegaanka.

ninka la dilay ayaa waxa la sheegay in xiliga la dilayay uu ku sugnaa maqaayad  uu lahaa deeganka godinlabe islamarkaasna uu rasaas ku furay nin hubeysan sidaas uu ku geeriyooday iyadoona meyka marxuunka la dilay ayaa waxa la sheegay in loo qaaday deegaanka mareergur oo ka tirsan gobolka galgaduud

lama oga sababta rasmiaga ah ee loo dilay ninkaan balse waxa ay wararku sheegayaan in ninkaan loo beegsaday arimo la xariira aanooyin qabiil.

waxaana lagu soo waramayaa in durbadiiba ciidamada booliska deegaanka godinlabe ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka

inta badan Deegaano hoosyimaada gobolka galgaduud waxa mudooyinkii dambe ka dhacayay dilal la xariira anooyin qabiil.

maamulka galmudug oo ka rimaya gobolka ayaana waxa uu sheegay in ay wax badan qabanayaan fallalka laxariira aanooyinka qabiil oo kusoo laablaabtay gobolka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here