Saraakiil Jabhad Ah Oo Hogaaminayo G.Abuurkar Xuud Oo Soo Gaaray Magaalada Baladweyne

0

magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxa maanta lagu soodhaweyay generaal abuukar xuud iyo saraakiil ka tirsan jabhadiisa oo uu isagu hogaaminayo kuwaasi oo soo gaaray magaalada baladweyne

generaalka ayaa waxa la sheegay in dadka shacabka ah uu maanta warbaahinta kala hadli doono islamarkaasna uu ka warbixin doono arimo badan oo ku saabsan khilaafka ka dhaxtaan isaga iyo maamulka cusub ee hirshabeele .

shalayay ayay aheyd markii maleeshiyaad taabacsan generaalka ay qabsadeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada baladweyne kadib dagaal xoogan oo dhexmaray maamulka cusub ee ee hirshabeele iyo maleeshiyada taabacsan general abuukar xuud.

generaalka ayaa gabi aanba kasoo horgeestay in madaxweynaha cusub ee hirshabeele cali guudlaawe lagu caleemasaaro magaalada baladweyne isagoo sheegay in doorashadii ka dhacday deegaanada hirshabeele ay aheyd mid aan sax ahayn uusana aqoosanayn madaxweyanaha iyo maamulka cusub ee hirshabeele.

generaal abuukar xuud ayaa gordhaw oo maanta ah la filayaa in warbaahinta uu ku la hadlo gudaha magaalada baldweyne islamarkaasna uu ka warbixiyo dagaalkii shalay ka dhacay baldweyne iyo arimo kale oo ku saabsan khilaafka magalada .

masuuliyiin ka tirsan dowladda faderaalka oo uu hogaminayo wasiirka arimaha guadaha xakuumada faderaalka somaliya ayaa gaaray magaalada baladweyne

waxaana uu sheegay in dadka reer baladweyne aysan kasoo horjeedin dowladda balse ay cabasho ka qabaan awood qeyb siga dooshadii ka dhacday magaalada jowhar ee caasimada maamulka hirshabeele

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here