wararka ka imaanaya deegaanada gobolka bay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacdiihii lasoo dhaafay uu dagaal xoogan ka dhacay magaalada beydhabo ee xarunta gobolka bay
dagaalkaan ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid culus islamarkaasna uu ka dhashay qasaare kale duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac sida wararku ay sheegayaan.
dagaalka ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu yimid ka dib markii dagaalamyaal ka tirsan al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka koonfur galbeed soomaaliya,waxaana halkaasi ka qarxay dagaal muddo kooban socday
ciidamada la weeraray ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen kuwa ka baxay magaalada beydhabo ee xarunta kml gaarka maamulka koonfur galbeed soomaaliya ,iyagoon ciidamadaan la sheegay in ay ku siijeedeen deegaanka deynuunay ee isla gobolka bay ka tirsan balse ay jidka u galeen dagalamayaal ka tisan al-shabaab kuwaasi oo dagaal ay la galeen
wararkaan aan helayno ayaana intaasi ku daraya in dagaalku uu socday saacado kadibna ciidamadu ay iska siiwateen socdaalkooda
sidookale ilo deegaanka ah ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in ay maqlayeen daryanka rasaasta ay isweydaarsanayeen labada dhinac balse aysan dhib ah u xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaan
Dhankale dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkii ka dhacay magaalada beydhabo ay qasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada maamulka koonfur galbeed islamarkaasna ay ilaa iyo sadax askari ka dileen ciidamada dowlad goboleedka koonfur galbeed.
inta badan dagaalamyaasha al-shabaab ay weeraro jid gal ah ku qaada xiliyada ay socdaalayaan ciidamada dowladda kuwa maamulka konfur galbeed iyo ciidamada amisom ,waxaana weeraradaaasi guulo kala sheegta labada dhinac

