Madaxweyanaha Galmudug Oo Kulan La Qaatay Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Soomaaliya

0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan Muqdishu u joogay arrimo shaqo ayaa maanta la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub.
Madaxweynaha galmudug  ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Britain ee ku aadan horumarinta Soomaaliya.
Danjiraha ingiriiska ujooga  somaliya  ayaa ugu danbeyntii bogaadiyay kulankan muhiimka ah asagoona sheegay in ay joogteyn doonaan taageerada ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana shacabka iyo Dowlad Goboleedka  Galmudug.
Dowladda ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah soomaaliya kuwaasi oo somaliya ka caawiya dhinacyo badan oo dhanka taageerada caalamka ah
waxaana imaanshiya deegaanada maamulka  galmudug ee safiirka ingiriiska u fadhiyo soomaaliya ay kusoo beegmaysaa xili maamulka galmudug ee cusub ay wadaan dadaalo badan oo isbadal loogu sameynayo deegaanada galmudug taasi oo ay ka mid tahay hormarinta iyo kor uqaadida adeegyada bulshada
maamulka galmudug ee cusub ayaa ku guuleystay in wax ka ka bilaabaan dekada maagaalada hobyo ee gobolka mudug taasi oo lagu bilaabay dhismo dib udayacdir ah oo lagu doonayo in lagu dhiso dakada hobyo
sidookale waxa jiray in maamulku uu ku talaabsaday arima badan oo ay eyb ka tahay nabadaynta deegaanada maamulka galmudug oo uu ka jiray dagaal beeleedyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here