Axmed Madoobe Oo Lagu Eedeeyay in Dowladda Shisheeye ay usoo direen Carqaladeynta Doorashada Dalka

0

iyadoo dhawaan markii madaxweynaha jubbaland axmed maxamed islaam axmed madoobe uu dib ugu soo laabtay magaalada kismaayo uu sheegay in loobaahanyahay in dowladda ay ciidamada kasaarto gobolka geddo inta aysan dhibaato kale dhicin ayaa waxa hadaladaasi kasoo yeeray madaxweynaha jubaland gaashaanka u daruuray qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka

waxaana madaxweynaha maamulka jubbaland lagu eedeeyay in uu doonayo in uu fuliyo balan qaad uu u sameeyay dowladda dalka kenya

mid ka mid ah siyaasiyiinta isbadal doonka mamaulka jubbaland oo la hadlay war qabadka idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in aysan jirin cid qaadaneysa cabaadka kasoo yeeraya madaxweyanaha maamulka jubbaland kaasi oo cadaadis xoogan oo uga imaanayo dowladda kenya

waxa uu sheegay in madaxweyane axmed madoobe kenya ay culeeys ku saarayso siidii ciidamada dowladda looga qaadilahaa xuduudka si ay waxa ay doonto uga sameeysato dalka

dhankale waxa uu dowladda faderaalka ah ugu baaqay in aysan dhag jalaq usiin cabaadka madaxweynaha jubbaland oo uu sheegay in ay dabada ka riixayso dowladda dalka kenya

waxaana uu sheegay in madaxweynaha maamulka jubbaland axmed maxamad islaam madoobe kenya kaliya maahane ay dowladdo badan oo shisheeye usoo direen sidii uu u carqaladeeyn lahaa doorashada dalka ka dhacaysa

Hadalka Siyaasiga ayaa waxa uu imaanayaa xili dowladda faderaalka somaliya ay cayrisay safiirkii dalka kenya ujoogay somaliya halka ay safiirkii somaliyana looyeeray

sababta sidaasi ay dowladdu usameeysay ayaa waxa  waxa la sheegay in uu safiirku soo fara galiyay arimo ku saabsan guadaha somaliya gaar ahaana ciidamada dowladda ee la geeyay gobolka geddo iyo arimo kale oo ku saabsan maamulka jubbaland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here