wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka hiiran ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay ciidamada dowladda gaar ahaana ciidanka Nisa ay weerar xoogan ku qaadeen Maleeshiyaad uu Hogaamiyo abuukar xuud
maalmihii ugu dambeyay waxa taagnaa xiisad udhaxeysa maleeshiyaadka abuukar xuud iyo maamulka cusub ee hirshabeele
Generaalka ayaa diiday in madaxweynaha hirshabeele uu yimaado magaalada baladweyne iyo in aysan xalaal aheyn doorashadii ka dhacay nagaalada jowhar
ila deegaanada ka ah ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidanka dowladda ay sakay weerrar ku qaadeen deegaanka ceel gaal ee duleedka magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan halkaas oo uu kusugan yahay generaal abuukar xuud iyo maleeshiiyaad ka taabacsan
wadahadalo dhawaan ay wadeen odayaasha dhaqan ka gobolka hiiiraan ayaa la sheegay in gabi ahaanba ay socon waayeen islamarkaasna lagu guuldareystay
madaxweynaha cusub ee maamulka hirshabeele ayaa waxa la doonayaa in caleemasaar kiisa uu ka dhaco magalaada baladweyne
waxaana arintaasi iyo doorashadii dhacdayba waxba kama jiraan ku tilmaamay generaal abuukar xuud oo ahaa musharax maxaweyanaha hirshabeele kaasi oo tanaa sulay markii uu sheegay in fara galin iyo musuq maasuq uu ka dareemay doorashada hirshabeele
waxaana uu aaminsanyahay in habka loo maray doorashada ay aheyd mid qalad ah usana aqoonsaneyn cali guudlaawe

