Sadiq al-Mahdi Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan oo u geeriyooday cudurka Covid 19

0

 

Raiisul wasaarihii hore dalka Suudan ayaa waxa la sheegay in saakay uu u geeriyooday Caabuqa karona virus oo dhawaan ku dhacay

Ra’isulwasaarahii hore ee Sudan Sadiq al-Mahdi, ,isla markaana ahaa siyaasi caan ah iyo wadaad dhanka diinta ah, magacna  ku lahaa dalkaasi ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka imaaraadka saakay oo khamiis ah .

Wuxuu ahaa ra’isulwasaarahii ugu danbeeyay ee Sudan kaas oo si xor ah loo doorto waxaana afganbiyay ciidanka oo talada la wareegay 1989 markaas oo Al-Bashiir majaraha Sudan qabtay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in uu u dhintay xanuuka Coronavirus.

Sadiq al-Mahdi  oo ahaa 84 jir wuxuu ra’isulwasaare ka soo noqday Sudan labo goor oo kala ahaa 1966 ilaa 1967 sidoo kale 1986 ilaa 1989

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here