Xiisad Dagaal Oo Laga Daremayo Hiiran iyo Maleeshiyaad Hub Aruursi Wada

0

Wararka imaanaya gobolka hiiran ayaa waxa ay sheegayaan in maanta markale ay cirka isku sii shareeraysa xiisay Maalmahaanaba ka taagnayd deegaano ka tirsan gobolka hiiran Xiisadaan ayaa waxa la sheegay in ay salka ku heyso caro ka dhalatay sidii ay udhacday doorashadii ka dhacday deegaanada maamulka hirshabeele

Waxa ayna udhexeysa maamulka cusub ee hirshabeele iyo general hore oo ka tirsanaa ciidanka dowladda faderaalka somalia  kaasi oo lagu magacaabo generaal Abuukar xuud kana mid ahaa musharaxiintii utartameysay qabashada xilka madaxweynaha hirshabeele Walow generaal ku uu tanaa sulay islamarkaasna uu sheegay in doorashada ay fara galin ku jirto

Intaas wiixii ka danbeyayna generaal Abuukar xuud ayaa deegaanka ceelgaal oo duleedka ka ah magaalada baladweyne ka abaabulay maleeshiyaad isaga taabacsan Waxaana uu sheegay in hadii madaxweynaha cusub ee maamulka hirshabeele cali guudlaaaye uu yimaado magaalada baladweyne uu weerar kusoo qaadi doono ,Doorashadii ka dhacday deegaanada maamulka hirshabeelana aysan aheyn mid xalal ah

Gudooomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka hiiran oo la hadlay war qabadka radiyahani simba ee muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maamulka hirshabeele oo ugu horey madaxweyne ku xigeenka hirshabeele ay wadaan siidii xiisadaan  ay ugu xalin lahaayeen wada hadal islamarkaasna ay ka cararayaan wax kasta oo keeni kara in dhiig uuku  daato

Isagoo hadal kiisa sii wada gudoomiyaha arimaha bulshada maamulka gobolka hiiran ayaa waxa uu sheegay in generaalka iyo xiisadiisa ay dabada ka riixayaan odayaal reer hiiran ah islamarkaas waxa uu sheegay  in ay odayaashaasi ay talaabo cad  ka qaadi doonan

Waxaana uu gudoomiyuhu tilmaamay in hadii madaxweynaha hirshabeele uu imaan waayo gobolka hiiraan ay ceebwey  ku noqon saraakiisha ciidmada gobolka hiiran isagoo uu rajwanaasannka muujiyay in xiisada taagan ay ku xalin doonan wada hadal Madaxweynaha maamulka hirshabeelana uu imaan doono gobolka hiiraan islamarkaasna uu halkasi ka dhici doono Caleemasaarkiisa

Isku soo wada duuboo Maanta ayaa hub  aruusi iyo xiisad dagaal laga dareeymayaa deegaanada maamulka hirshabeele taasi oo ku aadan xiisada generaalka iyo maamulka cusub hirshabeele Madaxweynaha cusub ee maamulka hirshabeele ayaa lagu wada in lagu caleemasaaro magaalada baladweyne ee gobolka hiiran walow ay wali madaxweynaha hirshabeele in uu tago baladweyne ay hortaagan tahay xiisada ka taagan deegaanka ceelgaal iyo maleeshiyaadka uu halkaasi ku aruursanayo generaal hore oo ka tirsanaa ciidanka dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here