Booliiska Somalia Oo Ka Hadlay Gaadiid Badan Oo Xamuul Ah Oo Lagu Gubay Gobolka bakool

0

Taliska Booliska Ciidanka Dowladda ayaa ka hadlay 7 gaari oo nuuca xamuulka qaada ah kuwaasi lagu gubay deegaanka emed kooreey ee gobolka bakool

Af hayeenka ciidanka Booliska Somalia Gaashaanle sare Sidiiq Aadan Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab ay gubeen gadiidan oo ay lahaayeen una dad shacab ah

Waxaana uu afhayeenku intaasi ku daray in gawaaridaan ay kasoo bexeen magaalada balaweyne ee gobolka hiiraan islamarkaasna ay kusoo jeedeen dagmada xudur ee gobolka bakool

Sidookale afhayeenka ciidanka booliska somaaliyeed ayaa sheegay in aysan heyn xog kusaabsan wax qasaare nafeed ah oo ka dhashay gaawaariada xamuulka ah ee la gubay

“Xalay abaare 08:00 fiidnimo ayeey Argagixisadu ku gubeen 7 gaadiid ah oo nuuca xamuulka qaada ah bananka hore ee Tuulada EMED KOOREEY ee Gobolka Bakool, gadiidkaan oo ay lahayeen isla markaana u rarnaa dadka shacabka ah, ayaa ka soo baxay Baladweyne kuna sii jeeday Xudur” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

La ma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa gaarida lagu gubay deegaanka ka tirsan gobolka bokool lkn xalay ayaa waxa la sheegay in gaadiidkan oo aaha kuwa badan oo isla socday lagu gubay gobolka bakool oo ka tirsan deegaanada maamulka koonfur galbeed Somalia

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here