C/kariin Guuleed oo La kulmay Gudoonka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka

0

Guddoomiyaha xisbiga Sahan Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha aqalka sare mudane Cabdi Xaaahi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahanyahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo.

Guddoomiyaha XISBIGA SAHAN PARTY Cabdikariim ayaa dhinaciisa sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay.

Dhanka kale Guddoomiyaha XISBIGA SAHAN Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Somaaliya Mudane Mohamed Mursal Sheekh Abdiraxmaan.

Laba Masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka uu marayo, iyo in si wadajir ah looga tashado habsami u socodka hanaanka doorashooyinka Qaranka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here