waraar dheerad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaare geystay oo ka dhacay magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug
waxaana la sheegay in qaraxaan uu aahaa bamba gacmeed lagu weeraray ciidamo ka tirsan maamulka puntland iyadoona weerarkaasi uu ka dhashay qasaare iskugu jir dhimasho iyo dhaawac
waxaana inta la xaqiijiay weerarka ka dhacay bartamaha magaalada galkacyo waxa ku dhintay ilaa iyo laba qofood oo shacab ah islamarkaasna waxa la sheegay in ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan maamulka putland
kooxdii hubeysneyd weerarka ka dambeeyay ayaa la sheegay in weerarka kadib ay goobta iskaga baxsadeen
ciidamada amaanka gobolka mudug ee qeybta putland ayaa waxa la sheegy in ay howlaglo ka sameeyeen guadaha magaalada galkacyo
walow aan la sheegin cid ilaa iyom haatan loosoo qabtay howlgaladaasi ay sameeyeen ciidamada maamulka putland
magaalada gaalkavyo ee xarunta gobolka mudug waxa inta badan ka dhaca weeraro iyo dilaal qorsheysan kuwaasi oo ay geystaan dad aan heybtooda la garaneyn
waxaana xusid mudan in weerarada qaar ee lagu dilo masuuliyiinta maamulka putland ee ka dhaca magaalada gaalkacyo ay masuuliyadiisa sheegtaan dagaalamayaasha alshabaab

