Shir u Dhaxeeya Musharixiinta Madaxweynaha oo Muqdisho Ka Furmay

0

Magaaladda muqdisho waxaa maanta ka furmay shir u dhaxeeya Musharixiinta  u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2021-ka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya ilaa 12-musharax oo isugu jira Madaxweynayaal hore, Raisulwasare Hore Madaxweynayaal Maamul Goboleed iyo siyaasiyiin xilal soo kasoo qabtay dowladihiisa dalka soo maray.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka oo socon doono muddo 3-maalin in laga soo saarayo go’aano la xiriira doorashadda dalka ka dhacaysa sanadkaan 2021-ka.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddi lagu magacaabi doono,kuwaasi oo daadihin doono rabitaanka musharixiinta madaxweynaha Soomaaaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here