Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Shanta Golaha Sare Deegaanka Lafoole ee Duleedka magaaladda Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay,waxayna ka dhacday bar koontarool oo ciidamadda dowladdu ay gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadayeen.
Waxaa la xaqiijiyay in goobta qaraxa ka dhacay ay ku sugnaayeen ciidamadda Dowladda Soomaaliya,waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac qaraxa ka dhashay.
Inta la xaqiijiyay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa qaraxa ku dhintay, tiro kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheeegtay Mas’uuliyadda qaraxa sida warbaahintooda ay ku baahiyeen.
Al-Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dileen laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya,islamarkaana burbur uu soo gaaray Shanta Golaha Sare Deegaanka Lafoole ee Duleedka magaaladda Muqdisho.

