Magaaladda Muqdisho waxaa laga dareemayay saacadihii aynu soo dhaafnay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug,siyaasiyiinta iyo xubnaha labada gole ee ka soo jeeda Galmudug ayaa Magaalada Muqdisho kawada dhaqdhaqaaqa loogu soo horjeedo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.
Xubnaha kasoo horjeeda Qoor-qoor ayaa ku doodaya in Guddigii doorashada Maamulka Galmudug oo ay sheegeen inay ku jiraan xubno ka tirsan Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.
Kulamo uu la qaatay Madaxweyne Qoorqoor xubnaha Xildhibaannada labada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ee ku sugan Muqdisho ayaa weli wax natiijo ah ka soo bixin.
Dhanka kale Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya in muqdisho ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo loogu soo horjeedo Qoor-qoor.
Xildhibaan Yoonis oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Mooshin laga wado Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi kaariye Qoor-qoor.
Magacaabista xubnaha Galmudug ku matalaya Guddiyadda Doorashadda ayaa dood badan ay ka timid,kadib markii la sheegay in ay ku jiraan saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegaya inuu weli ku adkeysanayo Guddigii uu magacaabay, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda uu dib ugu laabto Magaaladda Dhuusamareeb.

