wararka ka imaanaya magaalada jowhar ee gobolka shabeellaha dhexe ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay qaraxyo ay ka dheceen gudaha magaalada jowhar
wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xalay bamba gacmeed lagu weerrar xaafada horsheed ee magaalada jowhar
waxaana la sheegay in wrrrarkaan uu ka dhashay qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhawac
Qasaaraha ka dhashay weerarka ka dhacay magaalada jowhar ayaa waxa lagu sheegay in uu yahay labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada kuwaasi oo uu dhaawac kasoo gaaray weerarka
Ciidamada dowlada faderaalka somaliya ayaa waxa la sheegay in weerarkaasi kadib ay howlgalo ka bilaabeen xaafadaha magaalada jowhar kuwaasi oo lagu baadigoobayo ragii ka dambeeyay weerarkii xalay
Magaalada jowhar oo ah caasimada maamulka hirshabeele ayaa waxa maamlmo ka hor lagu soo gabgabeeyay doorashad maamulka hirshabeele waxaana amaankeedu uu ahaa mid aa uwanaagsan

