DFS oo Ka Hadashay jawaabtay eedeymaha loo jeedinayo Guddiyada Doorashooyinka

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeymaha loo jeedinayo guddiyada doorashooyinka dalka ee dhawaan dowladdu magacawday.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar),  oo maanta kasoo muuqday warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Guddiga la magacaabay ay yihiin kuwa ka Madax banaan Dowladda Shaqaalaheeda.

Waxa uu sheegay in aysan jirin eedemaha ka imaanaya Mucaaradka Dowladda Soomaaliya oo ku aadan in Guddiyadda la magacaabay ay ka yimaadeen Hay’adda Nabadd Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiyadda la magacaabay ay yihiin kuwa Dhalinyaro oo aqoonyahano ah,kuwaasi oo awood u leh in ay maamulaan doorashadda dalka ka dhacaysa.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar), ayaa ugu baaqay Mucaaradka in ay raaligalin ay ka bixiyaan gafka ay u geysteen guddiyada doorashoyinka dalka.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa diiday guddiga doorashooyinka ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa ay sidoo kale si cad uga soo horjeesteen xubnaha dowlad goboleedyada qaarkood ay ku dhawaaqeen ee guddiga doorashooyinka.

Musharaxiinta waxa ay sheegeen guddiyada la magacaabay inay yihiin askar ka tirsan NISA & taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here