Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa u codeeyay in laga hortago iibinta ama usoo rarida somalia ee walxaha qarxa ee macmalka ah.
Sidoo kale Qaramadda Midoobay ayaa ku boorisay dowladda Soomaaliya in ay sii wado ka hortagga Shabaab ee hababka maaliyadeed ee sharci darrada ah ee khubarada Qaramada Midoobay ay ku qiyaaseen in ka badan $ 21 milyan sanadkii la soo dhaafay.
Qaraarka, oo lagu ansixiyay cod 13-0 oo ay ka aamuseen dalalka Ruushka iyo Shiinaha, ayaa dib u xaqiijiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo mamnuucista dib u iibinta ama wareejinta wixii hub ama qalab milatari ah ee la iibiyo ama la bixiyo si ay gacan uga geysato horumarinta Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliya.
Al-Shabaab oo xiriir la leh Alqaacida ayaa weli ah dagaalyahanadda ugu fir fircoon qaaradda Afrika, iyadoo maamusha qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyadoo inta badan bartilmaameedsata Kontorooladda iyo meelaha kale ee aadka looga yaqaan caasimada Magaaladda Muqdisho.
Qaraarka Golaha Ammaanku qaatay wuxuu “si xushmad leh u xusayaa awoodda Al-Shabaab ee ah inay soo saarto dakhli iyo dhaqid, kaydin iyo wareejin kheyraad.”
Waxay ugu baaqeysaa dowladda Soomaaliya “inay sii wado la shaqeynta maamulada maaliyadeed ee Soomaaliya, hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay iyo bulshada caalamka si loo aqoonsado, loo qiimeeyo loona yareeyo halista lacagaha la dhaqay iyo khataraha maalgelinta argagixisada.
Ku xigeenka danjiraha Qaramada Midoobay ee hina, Dai Bing, ayaa sheegay in Beijing ay ka aamustay sababta oo ah goluhu ma aqbalin wax ka beddelkiisa oo ugu baaqaya golaha in ay baaraan halbeegyada lagu qiimeynayo in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya aan la aqbalin.
“Xayiraadda hadda jirta waxay caqabad weyn ku ahayd kor u qaadista awoodda amniga ee dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri.
Isuduwaha siyaasadeed ee Mareykanka Rodney Hunter wuxuu soo dhoweeyay sii socoshada cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo kordhinta shaqada guddiga khabiirada 12 bilood oo kale.
Wuxuu sheegay in xubin kasta oo gole ka mid ah ay ka go’an tahay inay ilaaliso cunaqabateynta hubka “iyadoo loo daneynayo nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya iyo tan guud. Si taas loo gaaro, ayuu yiri Hunter.

