Ana Sayfa Wararka Faahfaahino :- Qarax Qasaare Geestay Oo Ciidamada Dowladda Lagu Eegtay Duleedka Dhuusamareeb

Faahfaahino :- Qarax Qasaare Geestay Oo Ciidamada Dowladda Lagu Eegtay Duleedka Dhuusamareeb

0
Faahfaahino :- Qarax Qasaare Geestay Oo Ciidamada Dowladda Lagu Eegtay Duleedka Dhuusamareeb

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan dowladda maanta lagu  eegtay duleedka magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka galmudug

Qaraxaan ayaa waxa lasheegay bin nuuciisu uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso waxa la eegtay kolonyo  ka tirsan ciimada dowladda xili ay marayeen deegaanka sina-dhaqo ee duleeedka magaada dhuusamareeb ee xarunta gobolka galgaduud

Waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxaan uu ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhawaac oo soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasi gaari ay saarnaayeen uu haleelay qaraxu

Qasaraha ka dhashay qaraxaan inta la xaqiijiyay waxa uu yahay dhimashada laba askari oo ka tirsaanaa ciimada dowladda halka sidookale warrarku ay sheegayaan in qaraxaan ay ku dhaawacmeen ku dhwaad 10 askari

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in koyada ciidamada dowladda ee qaraxa lala eegtay uu lasocday taliyaha ciidanka xooga dalka qeybta 21 aad genaraal  Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje islamarkaasna ciidamadani ay kazoo ambabaxeen magaalada dhuusamareeb

Majirto wax war ah oo kazoo baxay maamulka degmada dhuusamareeb oyo kan maamulka galmudug oo looga hadlayo qaraxaan maanta la eegtay ciidamo ka tirsan dowldda oo socdaal ku marayay duleedka magaalada dhuusaamreeb

Sidookale majirto cid wali sheegatay masuuliyada qaraxaan ciidamada dowladda  lagu beegsaday duleedka caasimada maamulka galmudug ee dhuusamareeb.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here