Ana Sayfa Wararka Al-shabaab Oo Weeraray Fariisimo Ciidamada Kenya Kulahaayeen Gobolka Jubbada Hoose

Al-shabaab Oo Weeraray Fariisimo Ciidamada Kenya Kulahaayeen Gobolka Jubbada Hoose

0
Al-shabaab Oo Weeraray Fariisimo Ciidamada Kenya Kulahaayeen Gobolka Jubbada Hoose

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al shabaab ay ku qaadeen ciidamo kenyaan  ah oo la sheegay in ay ku sugnaayeen  deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerardaasi ay ka dhasheen qasaare kala dawn oo isku jira dhimasho iyo dhaawac iyadoona ay weerardaasi ay guulo ka sheegteen dagaalamayaasha alshabaab kuwaasi oo sheegay in qsaare xoogan ay ku gaarsiiyeen ciimada Kenya

Alshabaab wararka  barahooda interneetka ay ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen in ay weerraor xoogan ay ku qaadeen fariisimo ciidamada keenya ay kulahayeen deegaanada Hoosingoow,Taabto iyo Afmadoow

Balse ay alshabaab faafaahin ka ma bixin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarada ama qasaarahara ay ciidamada Kenya ku gaarsiiyeen weerada  ay ku qaadeen deegaanada dhaca gobolka jubbada hoose

Majirto wax war ah oo kazoo baxay taliska ciidamada amisom iyo dowladda dalka keenya oo looga hadlayo sheegashada alshabaab eek u saabsan weero xoogan oo lala beegsaday ciidamada keenya kuwaasi oo howlgalka nabad ilaalinta u jooga somalia

Mudooyinkii  dambe dagaalamayaasha alshabaab ayaa kordhiyay weerada ay ka fuliyaan deegaanada hooysyimada jubbooyinka iyadoona sidaan oo kale alshabaab ay guulo uga sheegteen weerro ka dhacay jubboyinka

Waxaana xusid mudan in ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa amisom uu inta badan weeraro iyo daaglo ku dhexmaro dagaalamayaasha alshabaab

Waxaana labada dhinac ay guulo kala sheegtaan weerada ka dhaca deegaanada iyo degmooyinka kuyaal goboladda jubooyinka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here