Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha al shabaab ay ku qaadeen ciidamo kenyaan ah oo la sheegay in ay ku sugnaayeen deegaano ka tirsan gobolka jubbada hoose
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerardaasi ay ka dhasheen qasaare kala dawn oo isku jira dhimasho iyo dhaawac iyadoona ay weerardaasi ay guulo ka sheegteen dagaalamayaasha alshabaab kuwaasi oo sheegay in qsaare xoogan ay ku gaarsiiyeen ciimada Kenya
Alshabaab wararka barahooda interneetka ay ku baahiyaan waxa ay ku sheegeen in ay weerraor xoogan ay ku qaadeen fariisimo ciidamada keenya ay kulahayeen deegaanada Hoosingoow,Taabto iyo Afmadoow
Balse ay alshabaab faafaahin ka ma bixin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarada ama qasaarahara ay ciidamada Kenya ku gaarsiiyeen weerada ay ku qaadeen deegaanada dhaca gobolka jubbada hoose
Majirto wax war ah oo kazoo baxay taliska ciidamada amisom iyo dowladda dalka keenya oo looga hadlayo sheegashada alshabaab eek u saabsan weero xoogan oo lala beegsaday ciidamada keenya kuwaasi oo howlgalka nabad ilaalinta u jooga somalia
Mudooyinkii dambe dagaalamayaasha alshabaab ayaa kordhiyay weerada ay ka fuliyaan deegaanada hooysyimada jubbooyinka iyadoona sidaan oo kale alshabaab ay guulo uga sheegteen weerro ka dhacay jubboyinka
Waxaana xusid mudan in ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa amisom uu inta badan weeraro iyo daaglo ku dhexmaro dagaalamayaasha alshabaab
Waxaana labada dhinac ay guulo kala sheegtaan weerada ka dhaca deegaanada iyo degmooyinka kuyaal goboladda jubooyinka