Ana Sayfa Wararka Deg Deg : Qarax Qasaare Kala Duwan Geeystay Oo Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Deg Deg : Qarax Qasaare Kala Duwan Geeystay Oo Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0
Deg Deg : Qarax Qasaare Kala Duwan  Geeystay Oo Ka   Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaare geeystay oo maanta ka dhacay madaalada dhuusamareeb ee caasimada galmudug

Qaraxaan oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda faderaalka somaliya iyo ciidamada dawiishta dowlad goboleedka  galmudug oo ku sugnaa koonfurta magaalada dhuusamareeb

Waxaana qaraxan la sheegay bin uu ahaa mid weyn oo si aad ah looga maqlay inta badan deegaanada hooyimada maalada dhuusamareeb

Wararka aan ka helayno magaalada dhuusamreeb ayaa waxa ay sheegay in qaraxaan miinada ahaa u ka dhacay deegaanka miirdugule ee koonfurta magaalada dhuusamareeb ee caasiamada mamulka galmudug iyadoona wararku ay intaasi ku darayaan in qaraxaan uu k dhashay qasare kala duwan wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin qasaaraha qaxan uu geeystay

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada dhuusamreeb ee caasimada maamulka galmug oo ku aadan qaraxaan xoogan ee maanta ka dhacay koobnfurta magalada dhuusamareeb

Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka galmudug ayaa waxaa mihii ugu dambeeyay koonfurta magaalad dhuusamareeb kawaday howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha alshabaab

Waxaana la sheegay in alshabaab ay weeraro duqeymo ah ay xiliyaa habeenkii ah ay ku qaadayeen garoonka diyaarahada magaalada dhuusamareeb

Iyadoona ciidamada dowladda ay howlgalo ay kasameeyeen deegaano badan oo dhaca koonfurta magaalada dhuusamareeb ay sheegeen in ay howlgalo uga  la wareegeen dagaalamayaasha alshabaab

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here