Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya weerar dagaalamayaasha alshabaab ay xalay ku qaadeen deegaanka gandarshe ee gobolka shabeelaha hoose
Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in uu yimid ka gadaal markii dalamayaasha alshabaab ay gaari waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay la sheegay in ay ku weerrareen ciidamado ka tisan dowldda fariisimo ay ku lahayeen deegaanka islamarkaasna uu halkaasi ka dhacay iska hor imaad kooban
Waxaana wararku ay sheegayaan in weerrarkaan uu ka dhasahy qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac islamarkaasna soo kala gaaray labada dhinac balse ilaa iyo hada an sidhab ah loo xaqiijin Karin.
Wararka ay barahooda interneetka ayaa waxa ay ku sheegeen in weerar xoogan ay ku qaadeen ciidamo mareykan ah iyo kuwa dowladda ee alpha group fariisomo ay kula haayeen deeganka gandarshe ee gobolkashabeelaha hoose
Waxaana alshabaab ay intaasi ku dareen in ay weerrarkaasi ku dileen ilaa iyo shan askari oo iskugu jira ciimada dowlada iyo kuwa mareykan ah
Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda faderaalka ah oo looga hadlayo weerarka alshabaab ay sheegeen in qasaaraha ay ugu geeysteen ciidamada dowlada
Inta badan gobolka shabeelaha hoose deegaano dhaca waxa dagaalo ku dhexmaraan dagaalamayaasha alshabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa amisom iyadoona ay xusid mudan tahay in labada dhinac ay inta badan guulo kala sheegtaan weerarada iyo dagaalada ka dhaca deegaanada hoosyimaada gobolka shabeelaha hoose.