Maanta oo Sabti ah kulan yeelanaya xaruntooda kmgka ah villa hargeysa ee magaalada muqdisho waxaana Kulan uu yahay mid ka mid ah kulankoodi caadiga ahaa ee xildhibaanada Golahashacbka ay yeelan jireen.
Xidhibaanada ayaa la sheegay in goor hore oo xalay aheyd lagu wargaliyay in ay soo xadiran kulan maanta oo ah mid muhiim ah oo looga hadlayo ansixinta sharciyo muhiim u ah dalka iyo ka hadlida arimo xasaasi ah
Agendaha kulnka maanta ee xidhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka faderaalka Somalia ayaa warxino badan oo kusaabsan cabuqa corona virus sida Warbixin ku Saabsan Saameynta Covid 19 ee cunto soo saarka iyo nafaqada ,Warbixin ku Saaabsan Saameynta Covid 19 ee Ganacsiga
Sidookale xildhibanada golaha shacabka ayaa maanta akhrinta 2aad marsiinaya Hindisa Sharciyeedka Socdaalka Somalia
Waxaana dood oo adag kadib lafilayaan in xidhibaanadu ay ansixiyaan sharcigaan ku saabsan socdaalka iyadooona ay xusid mudantahay in horay ay xildhibaanadu ay aqrinta koowad usoo marsiiyeen
Kulanka maanta ee xildhibaanada golaha shacabku ay yeelanayan ayaa sidookale waxyaabaha looga hadlayo waxa ka mid ah warbixinada cudurka corono virus iyo saameynta kala duwan ee uu dalka ku yeeshay
Waxaana cuurkaan uu yahay mid saameyn weyn ku yeeshay dalal badan oo caalamka ah iyo dalkeena hooyo eee somaliaya iyadoona ay jiraan dalal badan oo ilaa iyo haatan uu faraban ku hayo cudurkaan karoona virus
cudurkan karona virus oo dalka ka dilaacay martamihi bishii 3 aad ayaa Wali dowladdu si rasmi ah uma shaacin in uu dalka ka suulay cudurka covid19 balse waxa gabi ahaanaba jirin kiisaskii cudurkaan ee laga soo calamadeyjiray dalka